Sunday, August 14, 2016

Kalsoonida Ganacsadaha iyo Macaamiilka

 

halkan   kadaalaco  kalsoonida Ganacsadaha iyo Macaamiilka

Wiil Dhalliinyaro ah oo u dhashay dalka Hindiya ayaa waxa uu gadaa Jaraa’idka ka soo baxa Dalka Imaaraatka carabta, waxa uuna fariistaa Midka mid ah masaajidda  Hortiisa, wiilkan waxaa horyaalla Jaraaid badan oo iskorsaaran iyo Sanduuq Balaastik ah (Box) oo ah midka lacagta lagu rido.
Macaamiisha wiilkan wax ka gata marka ay  jaraaidka ka gadanayaan si xor ah ayay u maamushaan, oo qofka waxa uu qaataa jariidada uu rabo, kadibna waxa uu lacagta ku ridaa sanduuqa, haddii uu baaqi rabana macaamiilka isaga ayaa kala baxa sanduuqa wixii baaqi ah, wiilka Hindiga ahina waxa faragalin ah ama shaki ah kuma dhaqaaqo.
Taas waxa ay dhalisay su’aal ah: sababta uusan shaki ugu dhalanaynin wiilkan, miyayna dhici Karin in mid kamid ah macaamiisha uusan daacad ahayn khiyaamana sameyn karo? Dhabtii Haa, waa suurtagal laakiin wiilkani waxa uu ku abuuray Macaamiishiisa Kalsooni inta uusan isaga ka dalbanin inay ku kalsoonaadaan, waana midda keentay in ay ku xirmaan macaamiil aad u badan, aadna wax looga iibsado, taas oo u dabooli karta haddii ay dhacdo in qof macaamiisha kamid ah uu khiyaamo sameeyo amaba uusan wada bxinin lacagtii laga rabay.
Hadaba haddii aan soomali nahay waxaa in la isweydiiyo mudan: Ilaa intee ayay gaarsiisan tahay kalsoonida ka dhaxeysa Ganacsadaha Soomaaliyeed iyo Macaamiilkiisa? Dhabtii waxaa la dhihi karaa waxaa jira qaar kamid ah Ganacsatada oo ku abuura qofka wax ka iibsada kalsooni darro, aad ayayna u badan tahay arintan, tusaale ahaan: Markii aad weydiiso qiimaha mid kamid ah badeecada waxaa suurta gal ah inuu kuu sheego qiimo sare, markii aad ku celcelisana waxaa dhacda in wax badan uu kaa dhimo, ilaa heer kala bar mar marka qaar lagaa dhimo! Taas oo ah dhabtii arinaan fiicneyn.
Dadka safarrada gala aad ayay ula socdaan wadamada qaar kalsoonida ka dhaxeysa ganacsatada iyo dadka macaamiilka u ah, marka uu qofku soo galo goob ganacsi waxa six or ah u qaadanayaa alaabta uu rabo isaga oo meel isugu geynaya, kadibna waxa uu la tagayaa miiska lacag bixinta waxa uuna bixinayaa lacata ku qoran badeecada korkeeda isaga oo aan wax su’aal ah ka keenin, maxaa yeelay kuma jirto wax kalsooni darro ah oo ku aadan in la khiyaamayo.
Tusaale kale Huteelada ama maqaayadaha laga cunteeyo in badan oo kamid ah waxa uu qofku xor u yahay inuu gacantiisa ku doonto cuntada, sida uu rabo iyo nooca uu doonayana ka soo gurto cuntada taalla, taas oo ku tusinaysa in ay jirto kalsooni laba dhanic ah, arintaas oo ah mid aad u yar  in aad Soomaaliya ku aragto.
Si kastaba ha ahaatee Ganacsadaha soomaaliyeeda waxaa muhiim ah in uu kasbado kalsoonida macaamiilka, islamarkaana inuu ka fogaado waxkasta oo keeni kara kalsooni darro ah, arintaas oo ah  tiir asaasi u ah ganacsiga, si ganacadaha macaamiil u helo, macaamiilkana ugu kalsoonaado waxa uu iibsanayo iyo cidda ka iibinaysaba.
By eng. Cabduqaadir dhagacade

No comments:

Post a Comment