Sunday, August 14, 2016

TALOOYIN GANACSI


Waxaa lama huraan ah in marka hore aad muddo dheer siiso maskaxdaada si ay kugu sahasho qaabka ugu sahlan oo aad uga mid noqonkarto suuqleyda iibisa alaabaha laga ganacsado.
Waa in aad ka tashataa ama la tashataa asxaabtaada gaar ahaan kuwa kugu dhow, waana in aad usoo bandhigtaa waxa aad dooneyso inaad xaliso sida waxyaabaha aad tiigsaneyso ee fikradaada ah sida ganacsi, wax soo saar IWM. Haddaba si aad u bilowdo ganacsi cusub waxaad ubaahantahay arrimo dhowr ah:
1-ISKA HUBI BAAXADA SUUQA.
Inta aadan ku biirin Suuqleeyda iska hubi sida goobaha lagu ganacsanaayo ay badeecada u kala socoto, Waxa aad dooneyso inaad u iibgeyso suuqa mayihiin waxyaabo laga jecel yahay Tusaale hadii aad rabto inaad iibiso dhar suuragal matahay inaad suuq ka dhex sameyso goobaha kawaanka ee Hilibka lagu iibiyo ama qudaaarta? Dabcan Jawaabtu waa Maya.
2-KU FAKAR SAAMAYNTA XALKAAGA.
Inta badan waa ay yar tahay suuq aan horay lagaaga horayn, laakiin waxa aad ku fakartaa in xal kaagu yahay MID KA DUWAN OO KA HEER SAREEYA / WANAAGSAN wixii horay suuqa u yiilay. KA DUWAN OO KA HEER SARAYA waxa aan kawadnaa dhanka tayada, qiimaha, adeegsiga, magaca, iyo faa’idada guud ee adeega ama badeecadaada. wax ka fiican adeegii iyo badeecadii hore ee suuqa ka jirtay. Taas ayaadna ku keeni kartaa isbadal kuna kasban kartaa macaamiil kuusoo leexata adiga. Mar kasta dad ku waxa ay jecel yihiin in ay bixiyaan wax yar, oo ay helaan wax fiican ama badan.
3-HADII AAD BANDHIG U SAMEYSO GANACSIGAAGA WAX MA ISBEDELI KARAAN?
Waxaa lama huraan ah in aad marka hore suuqa kusoo gasho indha indheyn, kadibna aad xiriir la sameyso warbaahinta si mira dhalkaada uu u noqdo mid yoolkiisu yahay guul, dadka kula ganacsanaayana aad uga sareyso.
4-QARASHKA YAREE.
Fadlan marka hore dhaqaalahaaga hawada galin ganacsiga waayo waxaa suuragal ah in suuqa uu kugu xumaado adigoo dhamaan lacagtaada galshay, taasina waa ku ayaan daro, isku day in marka hore aad suuqa ku gasho laca yar si hadii suuqa uu isbedelo go’aan uga qaadato. Maahmaah ayaa aheyd (don’t put all your eggs in one basket) oo micnaheedu yahay ukumahaagoo idil hal sallad (dambiil) hawada gelin.
5-SUUQA HAKA DIB DHICIN.
Isku day in aad suuqa la imaado waxyaabaha ugu iibka fiican, iskuna day inaadan ka hooseyn alaabaha ay iibinayaan dadka kale, hadii aad suuqa la imaado alaab dhacday ama dhar laga xiisa dhigay ogow suuqaasi fadhi kuuma yaallo ee ha is daalin ganacsadow. Dhanka kale lasoco sicirka suuqa iyo dhaqdhaqaaqiisa wayo sicirka joogto ma ahan hal meel un ma taagnaanayo. Hadii aad aragto badeeco iibsigeedu aan badnaan jirin oo iibsigeedu maalin qura batay isweydii maxaa keenay arintaas. Laba arimood ayaa suuro gal ah; in alaabtaasi ay suuqa ka go’antahay iyo in sicirkeedu kacay oo dan adigu lasocon.
6-QANCI MACAAMILKAAGA (CUSTOMER-KAAGA)
Soomaalidu waxa ay tirahdaa hadal meel dheer buu dhacaa dhagaxna meel dhow. Maahmaahdan waxaan ula jeednaa hadalka ay macaamiishaadu kaa faafiyaan ogow in uu meel fog gaarayo. Hadalkaas ha wanaagsanaado ama ha xumaado, wixii aad macaamilkaaga kula dhaqanto ayaa sababi kara in ganacsigaagu guuleysto ama guul dareysto. Waxaa kale oo ay soomaalidu tirahdaa weji furan ayaa la galaa ee albaab furan lama galo, waayo qofkaan macaamiishiisa soo dhoweynin cid u imaaneyso majirto. Hantidaada si kasta ha ubadnaato waxaad ubaahantahay macaamil wax kaa iibsada. Caalamka aan maanta joognana waxaa baaritaanno badan lasameeyey lagu ogaaday in uu macaamilku yahay udub dhaxaadka ganacsi kasta oo jira hadii isaga lawaayana ama laxumeeyo uusan ganacsi hagaagsan jiri karin.

Qore:Cabduqaadir dhagacade

1 comment: