Sunday, January 22, 2017

MAXAA KA DHACAY SOOMAALIYA HORAANTII BISHII JANNAAYO SANNADKII 1948-kii. ( FADLAN WALAAL AKHRI TAARIIKH KA HADLEYSA WAXII XILIGAA DHACAY. )


Taariikhaha iyo dhacdooyinka muhiimka ah ee Soomaaliya ka dhacey mudo haatan 60 sannadood ka badan laga joogo ee mudan in dib loo qooraansado ama loo eego ayaa waxaa ka mid ah in guddi ka socday Quwadahii sannadihii 40-meeyadii Caalamka ugu xooga weynaa ee kala ahaa Mareykanka,Ingiriiska,Faransiiska iyo Ruushka ayaa Sannadkii 1947-kii Dhammaadkiisii Magaalada Muqdisho ay socdaal ku yimaadeen iyadoo muhiimada guddiguna ay ahayd xaqiiqo-raadis iyo inuu u kuurgalo rabitaanka iyo himilada siyaasadeed ee shacabka Soomaaliyeed oo waqtigaas halgan ugu jirey helitaanka xornimadooda.
Ururkii dhalinyarada gobonimo doonka soomaaliyeed ee S.Y.L ayaa Guddigu intii uusan iman waxay qabateen shir aad u weyn oo ay kasoo qaybgaleen Guddiyada S.Y.L ee gobollada Soomaaliyeed oo idil, si looga wadatashado, meelna la isula dhigo mawqifka soomaaliya ee ku aadan Guddigaas.
Wadatashi iyo dood dheer ka dib ururkii dhalinyarada gobonimo doonka soomaaliyeed ee S.Y.L waxay go’aansadeen in la codsado Soomaliya in ay wadajir u maamulaan Afarta Quwadood Go’aankaasina wuxuu ku saleeysnaa laba aragti oo kala ahaa sidan:
1- Inaan marnaba la aqbali karin in la soo celiyo gumeystahii Talyaaniga oo la ogyahay maamul xumadiisa iyo waliba dhibaatada uu u geystay ummadda Soomaaliyeed.
2- Inkastoo mar uu Ingiriisku ku dhawaaqay inuu Soomaalida oo idil meel isugu keenayo, loona riyaaqay oraahdaas, haddana waxaa la istusay inaan la aamini Karin gumeystaha Ingiriiska waayo S.Y.L waxay Ingiriiska u aragtay Dawlad weyn oo isticmaar ah oo aan la iska kicin Karin ama leyska dul qaadi karin mar haddii ay kugu habsato.
Hadaba iyadoo xaalku uu sidaas yahay ayaa guddigii wuxuu Magaalada Muqdisho yimid Bishii Jannaayo 6-deedii Sannadkii 1948-kii Waxaana la qorsheeyey in ururadii waqtigaas soomaaliya ka jirey mid waliba uu dhoolatus uu ku muujinayo quwadiisa uu ku hor maro Guddiga hortiisa oo markaa deganaa halka Hotel Curuuba hadda uu ka dhisan yahay, wagaasna ahayd xarunta Guddoomiyahii gumeysiga Ingiriiska, dabeedna Waxaa buuq sawaxan iyo dhoolatus isku daray axsaab iyo kooxo Soomaaliyeed oo Talyaanigu maalgeliyey daba dhilafna u ahaa kuwaas oo meel kasta la maray calanka Talyaaniga iyagoo ku dhawaaqaya waxaan dooneynaa Talyaaniga inuu ina sii maamulo oo uu ina sii gumeysto.
Arintu markii ay halkaas mareysey ayaa ururkii dhalinyarada gobonimo doonka soomaaliyeed ee S.Y.L waxa ay codsadeen in maalin gaar ah iyaga la siiyo si ay cududooda u muujiyaan waxaase jirtey in S.Y.L ay ka war heshey in la doonayo in la carqaladeeyo bannaanbaxa iyo dhoollatuska S.Y.L.
Ururkii dhalinyarada gobonimo doonka soomaaliyeed ee S.Y.L ayaa markii ay darseen xaaladda, waxay go’aan ku gaareen, in haddii la carqaladeeyo isu soo baxooda, ay weerar ku qaadaan oo abbaaraan gumeystahii Talyaaniga oo ah kan soo dirayey kooxaha daba dhilafyada ah ee Soomaalida ahaa.
Waxaa hadaba dhacdey in aroortii ama subaxii ay aheyd Bishii Jannnayo 11 Sanadkii 1948-kii xaruntii ururkii dhalinyarada gobonimo doonka soomaaliyeed ee S.Y.L lagu reebey 5 qof oo isugu jirey rag iyo dumar oo ka mid ahaa dhalin yaradii gobonimadoonka Intii kalena waxey abaabulayeen bannaabaxa dabeedna iyadoo lagu jiro hawshaas ayaa waxaa S.YL soo gaartay qaylo dhaan aheyd in xaruntoodii ay soo weerareen kooxahii Soomaalida ee daba dhilifka u ahaa Talyaanigu.
Ururkii dhalinyarada gobonimo doonka soomaaliyeed ee S.Y.L oo aad uga caroodey ficilada ay ku kaceen kooxahii Soomaalida ee daba dhilifka u ahaa Talyaanigu ayaa markiiba ka jawaabey iyadoo sidii ay horeyba ugu balameen soomaalidii gobonimo doonka aheyd iyagoo ULO iyo DHAGXAAN ku dagaalamaya ayaa waxa ay weerareen askartii gumeystahii Talyaaniga waxaana Halkaas loogu dilay 54 Talyaani ah iyadoo laga dhaawacay 55 kale. Dhanka soomaalida waxaa ka dhintey ilaa 14 qof waxaana dadkaas la dilay ka mid aheyd haweeneydii geesiyadii soomaaliyeed ee Xaawo Cismaan (Xaawo Taako) iyadoo Ururkii dhalinyarada gobonimo doonka soomaaliyeed ee S.Y.L ay gacan ka heleen askartii Somaaliyeed ee gumeystaha u shaqeeynayey oo iyagu hoos ahaan ula jirey una taageersanaa S.Y.L. Maalintaasina waxay noqotay maalin taariikhda soomaaliyeed halgankeeda caan ku ah oo lagu magacaabo "HANOOLAATO".
Guud ahaan marka leysku soo duubo dhacdadani waa mid ka mid ah dhacdooyinka iyo taariikhaha xusuusta mudan ee dalkeena hooyo ee soomaaliya ka dhacey waqtigii ururkii dhalinyarada gobonimo doonka soomaaliyeed ee S.Y.L iyaga iyo shacbiga soomaaliyeed oo isku duuban ay u dagaalamayeen ee ay naftooda iyo maalkooda u hurayeen xornimada maanta aynu heysano ee aanu ku naalooneyno.
Ugu dambeyntii aabayaasheenii gobonimadeena halganka dheer u galey ee Alle ka sakow xornimada nasoo gaarsiiyey waxaa wax laga xumaado ah in Jiilka maanta nool ay si sahal ah u dayaceen gaar ahaan ragga madaxda ka ah soomaaliya oo iyaga masiirkii iyo taladii dalka iyo dadka Ajnabi u gacan geliyey daba dhilifyo iyaga u adeegana noqdey.
Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

No comments:

Post a Comment