Sidaa wada oganahay wadanka waxaa kuso batay hormar dhanka Technoligiyada marka waa arin lagu farxo aan dhihi karnaa
www.market2africa.com waa web somliyed oo ad uga qeyb qatay dib udhiska Dalkeena Hooyo intaas kadib.
Soomaliya oo ah wadan dhaca Geeska afrika, waxaa lagu
tilmaamaa in ay ka mid tahay wadamada aduunka ugu hodansan, marka laga
fiiriyo kheyraadka ceegaaga gudaheeda, haddii ay ahaan lahayd dhinaca
Badda iyo dhinaca Barriga, saas oo ay tahay marka laga hadlayo dhanka
dhaqaalaha waxa ay soomaaliya ka gashaa liiska aduunka meelaha ugu
hooseysa.
Hadaba waxaa muhiim ah in aan ogaanno soomaalida noloshooda maxaa u
ahaa asaas, maxaase keenay in ay ka mid noqdaan dadka ugu faqrisan
aduunka, halkee ayay u socotaa xilligan?Haddii aan dib u milicsanno taariilkh ahaan soomalidu waa dad u badnaa reer miyyi guuraa ah, arintaas oo keenaysa in ay noqoto noloshooda mid ku dhisan xiiliga markaas la joogo iyo meesha ay dagan yihiin, haddii xilli wanaagsan iyo deegaan barwaaqo ah ay heystaan, walwal kuma hayso waxa soo socda iyo hormarinta deegaas si ay ugu nagaadaan muddo dheer, maxaa yeelay haddi deegaanku ku xumaado mid kale ayay ka raadsadaan haddii xilliga lagu jiro abaar noqdana waxa ay sugaan xiiliga barwaaqada, wixii xoola ah oo ay badbaadin karaanna way badbaadsadaan.
Arintaas waxa ay abuurtay dhaqan ah qofka soomaaligu inuusan daneynin ka fikirka hormarka deegaanka uu joogo, iyo u diyaar garowga mustaqbalkiisa, ha ahaado qof shacab ah, amaba qof mas’uul ah, taas oo saameyn aan fiicnayn ku keentay wadanka guud ahaan, iyo in qof kasta ka hormariyo maslaxaddiisa shaqsiga ah midda deegaankiisa ama wadankiisa.
Lama inkiri karo in ay jiraan dad aan lahayn tilmaamahaas, kuwaas oo laba qeybood ah, qeyb shakhsiyadoodu wanaagsan tahay oo markasta iyo meelkasta ku dadaalaya hormarka dadkooda iyo dalkooda, iyo qeyb duruufta ay ka dhigtay in ay hormariyaan deegaankooda sida Beeralayda, kalluumaysatada, iyo dadka tuulooyinka dagan, soomaaliduna dadkaasa waxa ay u bixiyaan magaca “ Ma kacdo” oo markii dhuuxiisa la fiirayo aan amaan ahyn.
Iyada oo saas jirto xilliyadan danbe waxaa jirta isbaddello badan oo ku yimid Bulshada soomaaliyeed, gaar ahaan dhanka hormarka haddii ay ahaan lahayn Bulsho ahaan, dhaqaale ahaan, iyo aqoon ahaanba.
Bulsho ahaan waxaa jirta in soomaalidu aad isu dhex gashay, wax badanna ayay wada qabsanayso intii u aragta in ay isku maslaxo yihiin, halka xilliyadii hore si guud soomaalidu ay maslaxadoodu ku koobnayd qabiilka iyo markaas deegaanka uu dagan yahay qabiilkaas, iyada oo arintaas aana la dhihi Karin meesha way ka baxday, hadana waxaa tusaale ah shirkadaha waaweyn ee ganacsiga ama meheradaha kala duwan ah ee xilligan waxa wada dad deegaanno kala duwan ka soo jeeda isku artigana ka ah hawshaas ka dhaxeyso.
Dhanka dhaqaale ahaan waa meesha aadka u muuqato ee soomalidu hormar la taaban karo ka sameysay, ha ahaato gudaha wadanka ama dibadiisa.
Tusaale ahaan wadanka waxaa ku soo batay shirkado ganacsi oo waawayn, saameyntoodana gudaha wadanka ay muuqato, wadamada ay dadka soomaalidu tageenna aad ayay uga muuqdaan, arintaas oo dadka iyo dalalka ay u tageen aad u soo jiidatay, mar marka qaar dhibba ha u keentee, heer uu ku tilmaamo nin khabiir ah oo ajnabi ah in soomaalida haddii ay fursad nabadeed heli lahaayeen muddo kooban ay wadankooda uga dhigi lahaayeen sida Sangabuur oo kale! Sangabuur waa wadan yar oo daris la ah Malleysiya, aadna u hormaray.
Dhanka aqoonta soomaalidu aad ayay u dareemeen kali kali iyo wadarba in Aqoonta furo u tahay hormarkasta, taasna waa miida keentay in da’ yartu u dhaqaaqaan xaga waxbarashada, gudaha wadanka iyo dibadiisaba, waana midda dhalisay in ay bataan goobaha waxbarashada wadanka gudihiisa, laga bilaabo dugsiyada. Macaahidda ilaa jaamacado.
Isku soo duub waxaa muuqata ifafaale aad u wanaagsan o ku aadan in soomaalidu ay dib u xisaabtamayso, kuna tartamayso wanaaga halka ay soo martay xilli ay ku tartami jirtay waxyaabo aan wanaagsaneyn, waana Ilaah mahaddii arintaas.
BY ENG :Cabduqaadir Dhagacade
Privet, Ma waxaad raadineysaa amaah ganacsi, daymaha shaqsiga, daymaha, deynta, deynta ardayga, Dejn xoojinta deynta, IWM.. Ili Ayaa x́ādLoo diiday amaah ahka bangiga ama hay'ad maaliyadeed Waxaad tahay Milku habboon XAL kreditnyex́ād! Anigu waxaan ahay amaahiya Gaar ah, waxaan ku SIIN Dejnv ganacsiyada MGO shaqsiyaadka heerka dulsaarka hooseeyo oola awoodi Karoooah 3% dulsaar Wixii macluumaad dheeraad ahFadlanNalaSu xiriir čerezHadda
ReplyDeleterolandwilliamsonline@gmail.Com
yes bro
ReplyDelete