Hoggaamintu waa shay muhiim ah oo aanu ka maarmin Adanahu ,waana mida
kaleya ee lagu gaadhi karo horumarka iyo horusocodka arimaha Bulshada
,hadii aad aragto Umad aan lahayn Madax hogaamisa waa umad an jirin .
Hoggaamiyuhu sidiisaba waa kan sameeya jeexana jidka horumarka iyo
Hanaanka Dawladeed ee Dalkasi maraayo , waxanu qiimeeyaa waxyabo ka
baxsan waxa ay dadka shacbigii is waydinayaan amma ka fikirayaan, waxa
uu aqoon iyo garasho dheerada u leeyahay fahamka iyo Odoroska waxyabo
badan oo Qarankasi kusoo fool leh .
In badan ayaynu Quraanka Kariimka ah ku aragnay isaga oo ka waramaya
Hogaminta wanaagsan Nabigena csw in badan waxa uu inagula dardaarmay in
markasta aynu doorano Hogamiyaha wanaagsan ee kasoo baxaya wajibaadka
saaran .Haddii aan hoggaamin fiicani jirin laguma guuleysan kareen
horumar badan oo maanta aduunka ka muuqda .
Hadaba akhristaw aan usoo gudda dhaco ujeedada qoraal kaygan oo ah Tartanka ka dhexeeya Madaxda iyo Maalqabeenada
maxay ayuu yahay ,waxaa laga yabaa in Dadka qaar iswaydiiyaan Madaxda
iyo Maalqabeenadu maxay ayay ku tartamayaan maxaase ka dheexeya?
Waxaa marag madoona in Dhamaan madaxda aynu leenahay ay tartan dhinaca
Maalka iyo Muuqaba ay kula jiraan dadka Maalqabeenada ,Qof Ilahay u
naxariistay mooyane inta badana waxa ay u muuqdaan kuwo dadaal ugu jira
sidii ay Maal uga kasban lahayeen shaqooyinkan ay umada u hayaan.
Dadka maalqabeenka ahi waxa ay leyihiin dabeecado iyo dhaqamo ay kaga
duwan yihiin Dadka intiisa kale ,dhaqamadaasi iyo cadooyuinkaasi waxa
Laf dhabar iyo asaas u ah isla markana ay ka samays meen Dhaqalaha ay
haystaan ,sida iyaga oo ku raaxaysta Guryo aad u Qurux badan,Babuur aad
u qaali ah ,iyaga oo markasta Aduunka meesha ay ka donaan Daqiiqad ugu
safri kara ,Caruurtooda oo hesha Waxbarasho heer-saraa oo ka duwan mida
dadka cadiiga ahi ay haystaan iyo iyaga oo Bulshada ku dhex leh sharaf
iyo karaamo ,taaso lagu qiimaynayo Maalka Ilahay siiyay .
Bal hadaba Akhristaw Waxaa marag madoona in Maanta Ninkasta oo Madax ahi
uu u dhaqmaayo sidii Ninkii maalqabeenka ahaa ee isagu Xoolahisa ku
Takrifalayay ,Ninkasta oo madax ahi maanta waxa uu u raxaystaa si kasii
Xeel dheer Ninka Maalqabeenka ah ,waxa laga yaba in Ninka Maalqabeenka
ahi in uu Hantidiisa u tudho, oo mararka qaar ay lexejeclo qaado balse
Madaxda maanta marnaba ka dareemi maysid wax lexejeclo layidhaa ilaa Mid
Ilahay u naxariistay mooyaane .
GURYAHA MADAXDA
Hadaad maanta booqato Guryaha qaar kamada Madaxda Qaranka waxa laga
yabaa in aad la kulanto Tacajab iyo layaab ,waxa aad arkaysaa Guryo
loogu talagalay Raaxo dhamays tiran oo marnaba ishaadu anay ka jeed
sanayn Qurux dooda,waxabay kula eekanayaan Guryahii Boqorada Carbeed
.iyada oo Ilaalada Guryahaasi joogtaa ay tahay mid ka badbadis ah oo aan
loo baahnayn dhaqale badana uu ku baxo.
Haday kuu suura gasho in aad Guryahaasi Gudaha aad u gashana waxa aad
dareemaysaa isla markana aad indhaha ku kala qaadaysaa Quruxda iyo
Qalabaynta Gurigaasi ka muuqda ,waxa markaba Caqliga Cafimaadka qaba ee
Dalka iyo Dadkaba u damqanaya kusoo dhaacaya Boobka iyo Dhaca lagu hayo
Hantida umadan Gajadu Dishootay ,ee qaarkood iska daa Guri ay u
hooydaane aanay haysan Bac yar oo ay Cedceeda ka dalalimaystaan .
BAABUURTA RAXADA
Waxaa ku yaab galinaya mararka qaarna aad is odhanaysaa malaha ma
joogtid ! Wadan ay dadkiisu baahan yihiin ,sababta oo ah waxa aad
arkaysaa Babuurta Shaaximan ee ay wataan Madaxdeena Qaranku , waa ay
adag tahay in Babuurtasi qaar ka mida aad ku aragto waddamo badan oo
inaga dhaqale badan.
Sida aan wararka ku hayo amma aan ogahay Babuurtasi qaar ka mida hadii
ay waxyeelo soo gaadho looga helimaayo wadanka gudahiisa wax lagu
dayactiro ,kadibna waxa khasab noqonaysa in laga dalbo Shirkadii soo
samaysay amma dalka Dibadiisa ,isaga oo Ninka madaxdaa ee Babuurkasi soo
iibsaday heli kara Babuur ka jaban Shaqadiisana uga adag umadana waxa
uu u bad-badin lahaa dhaqalaha uu ka baabinaayo .balse waxa uu tartan
kula jiraa Nin maalqabeen ah.
Ninkasta oo Madaxa waxa Guriga u yaala ugu yaraan 3 Sadax Babuur hadii
anay ka badnaynba ,Babuurtasi qaar ka mida Daqadahooda Murayada lama
dajiyo loomana ogola in Boodhka iyo Sigadu ay soo gaadho Kuraastiisa
Sharaxan ee Shaalka ku hagoogan,balse Akhristaw aan ku xasuusiye
Dhaqalaha Baaburkan lagu soo Iibiyay waxa uu wax tari lahaa Dadka Matida
ah ee aan lahayn Hoy ay Robabka iyo Cedceeda kaga hoydaan .isla markana
aan haysan wax ay Cunaan.
RAAXADA IYO NOLOSHA CARUURTOODA
Waa wax lala yaabo isla markana lagu qoslo in Nin Shalay aad taqanay
isagoo oo Faqiir ahaa in marka Madax uu noqdo uu si dhakhso ah u noqdo
Nin maal qabeen ah ,waxa aad arkaysaa Nin Reerkiisa iyo Caruurtiisu ay
Cagaha Dhulka ku hayeen oo Malintii Xilka Madaxnimo loo magacabay
Daruuraha is yidhi ka dhaanso .
Ficilka iyo Dareenada ay mujinayaan Madaxdu waa wax caqligu diidayo
,Ninkasta waxa uu jecel yahay maalinta Madax uu noqdo dhamaan Caruurtisa
waxa uu gaynaya Dugsiyada Lacag toodu ay qaaliga ay tahay ,xataa ma
qiimaynayo Dhinaca Waxbarashada lakiin waxa uu wax ku qiimaynayaa
dhinaca dhaqalaha iyo ku dayashada Dadka Maalka leh , ilayn waa
Maalqabeene !!
Waxa uu tamaniyayaa in uu lasoo baxo qorshayashii u yaalay ee ay ka mid
ahayeen in uu Caruurta uu u radiyo Iskuulo iyo Jamacada Dibadaa
,sababta oo ah waxa uu helayaa Garab iyo Gashaan aanu hore u haysan una
dheertahay Khasnadii Dawlada oo u furan.
MADAXDA IYO WAKHTIGA NASASHADA
GOOBAHA SHAQADA
Madaxda waxaa u caado iyo dhaqan u noqotay xiliyada ay Firaaqada
leeyihiin in ay u nasasho tagaan Hotolada Qaliga ee kuyaala Magaloyinka
Dafahooda ,waxa laga yabaa in Hotelkasi Koobka Shaaha lagaga cabbo Lacag
dhan ugu yaraan 1$ (Hal Dolar) Qado iyo Cashana daa hadal keed .way
adag tahay in Nin Madax ah aad ku aragto goobaha Bulshada ee danyartu
wax ka Cunto kuna kulanto ,ISLA WAYNI IYO KIBIR AWAADII waayo waa Nin
Malqabeen ah .sorry maalqabeenow .
Mayla aragtay Madaxdu xiliga ay Casuumadaha gaarka ah cid u samaynayaan
waxa ay tagaan Hoteladasi wax waliba ay qaaliga yihiin ,waxana dhici karta in Hal habeen Lacagta casumad kaga baxda ay Quudin lahayd hal Bil Qoys wadanka dagan oo faqiira.
wakhtigasi Ninka madaxdii uu nasashada ku jiro way adag tahay in aad
hesho waayo Goobta uu u Nasashada u tagay waxa ku gayn kara oo kaliya
Babuur aad goonidaada u wadato , Basna daa hadalkii waayo waa Nin
Maalqabeen ah !!
GOOBAHA SHAQADA
Majirto inta aan ogahay Madaxda cid shaqada ku kantaroosha oo ilaalisa
wakhtiga ay shaqada soo galayaan iyo wakhtiga ay ka baxayaan ,sidaa
awgeed waxa uu Ninka madaxdii shaqada imanaya xiliga uu kasoo tooso
Hurdada waxanu shaqada ka tagaya Xiliga uu doono ,taasi waxa ay keentay
in Dadkii Shacbiga ahaa ay ku kadeed maan Radinta Madaxda .
Waana astamaha Dadka maal qabeenka waayo Ninka maal qabeenka cidina lama
xisaab tamayso goorta uu doono ayuu shaqada soo galayaa kana baxayaa
sababta oo ah waa Shaqo isagu uu leeyahay ,inta badana waxaaba shaqada
sii wada dadkale .
Waxaa dhaqan iyo caado inoo noqday in aad aragto Malinkasta Qof shacbi
ah oo Warqad amma Fayl meelaha la wareegaya kaasi oo doonayaa cid si
gaar ah u garanaysa Wasiirka sababta oo ah waa ay adag tahay in uu
Xafiiska ka helo amma loo sii daayo, wakhtiga yar ee uu yimadana
Xafiiskana waxaa suragal ah in uu ku mashquulo soo dhawaynta Madax isaga
la mid ka ah iyo la sheekaysigooda.
Qofkasta intii aanu Madaxda Noqon hadii waxoogaa Xanuun ah uu iska
dareemo waxa uu daawo u raadsan jiray Dhakhtarada Wadanka iyo
Farmashiyada balse hada madama uu madax noqday Waxaaba caado u noqotay
hadii uu iska dareemo waxooga xanuun ah sida Duray ,Madax xanuun iwm
waxaa laga yaaba in uu sida ugu dhakhsa badan uu ugu dhoofo wadamada
Jaarka,hadii Xaaladu sii xumaatana xaalku waa Dubay amma Yurub ilayn waa
Nin Maalqabeene .
XAQIIQDA JIRTA
Akhristaw ma og tahay in mushkilada jirtaa ay tahay in dadku aanay
dareen sanayn in Ninka madaxda ahi uu yahay Nin iyaga u shaqeeya balse
ay u haystaan in Ninka madaxda ah isaga loo shaqeeyo, hadii uu noqdo mid
ku caan ah Boobka hantida umada waxa ay dadku u yaqanaan Geesi (Nin
rageed Xiniinya cadde) haduu noqdo Nin ILAHAY ka cabsado oo xumaanta ka
dhawr sadana waxa loo yaqaana ma tabcade nacas ah iwm
Wadamada Afrika qaar ka mida halka ay madaxdu hanti urursi ka gadheen
waxa ay ku Xaragoodaan in Ninka madaxdii marka uu Gurigiisa Babuurta
sida Darasiinta u taala mid ka mida lasoo baxaayo waxa uu isla eegaa in
ay isku soo baxayaan Qurux ahaan Gadhiga uu watto ,Sacada uu Xidhan yahay ,Fargalka gacanta ugu jira iyo Suudhka uu ku labisan yahay ,hadanay
intaasi islahayn dib ayuu ugu noqdaa labiskiisa ,tasi waxa ay keentay
in Boobkii Hantida umadu uu noqday wax aan laga sheekayn karin.
AKHRISTE QISADAN ILA AKHRI KADIBNA WAX QIIME.
GUNTII IYO GUNAANAD
Habeen habeenada ka mid ah ayaa Amiirkii Muuminiinta ee Cumar Ibnu
Khattab rdc oo dhex lugaynaya Magalada Madina si uu ugu kuurgalo dadka
dhibataysan. ayaa waxa uu maqlay oohin, kadibna waxa uu ku leexday
Gurigii oohinta uu ka maqlaayay. waxa uu arkay Haweenay iyo Carurteeda
oo OOHIN ISKU DARAY waxa kaloo uu Idhaha ku dhuftay Digsi yar oo Dabka
saran. Haweenaydii ayaa waxa uu waydiiyay waxa ay la ooyayan iyada iyo
Caruurtu. kadibna Gaajo inay hayso ayay uga warantay. waxa uu waydiiyay
digsiga waxa saaran ,waxay tidhi Biyo caruurta aan ku sasabayo ayaa ii
saaran mana garanayso in ninka la hadlayo yahay Cumar Madaxwaynahii
umada .
Waxa ay bilowday inay dhaliil dusha ka saarto Cumar ayada oo ku
dhaliilaysa inuu iska indhatiray dhibatada haysta iyada iyo
Caruurteeda. Cumar oonan wali isu sheegin ayaa waxa uu waydiiyay Cumar
maxay ayuu idiin qaban lahaa .waxa ay ku tidhi ,waxaa waajib ku ah in uu
ogaado dareenka ummadiisa maadaamo uu yahay Madaxwaynahii umadan.
Cumar oo murugaysan ayaa waxa uu usoo kacay dhinacii Baytul Maalkii
isaga oo uu weheliyo Ninkii gacan yaraha u ahaa ,kadibna waxa uu soo
raray Cunto farabadan sida Bariis ,Saliid, Subag iyo wa xooga Lacag ah.
Markuu jawaankii buuxiyay ayuu gacan yarahiisii waxa uu ka codsaday in
uu Tunka u saaro . Gacan yarahii ayaa diiday isaga oo ixtiramaya inuu
Amiirka Muslimiinta jawaan buuxo Tunka u rito , Cumar waa uu ku
adkaystay, isaga oo leh :-
Ma adiga Maalinta Qiyaamaha culayska iga qaadi doona. Xaq waxaan nu leeyahay in aan aniga xanbaaro jawaankan.
GUNTII IYO GUNAANAD
AFEEF :-Yaan la ii arkin Nin Madaxda si toos ah uga soo horjeeda iyada
oo aan ogahay in Madaxdu ay tahay Laf-dhabarta iyo Horumarka dalka,
lakiin waxaan donayaa in ay wanagsanadaan kuna koobnadaan dhaqalaha yar
ee xalaasha ee ay qataan ,waayo ILAHAY iyaga ayuu kala xisaab tamayaa
Akhiro xaqna uma laha in ay ku dul nooladaan Dadka maatidaa .
Caqliga Dadka oo isbadala moyaane isbadali mayaan sidan ay Madaxdu u fikirayaan.
W/Q Qareen / CABDUQAADIR DHAGACADE
No comments:
Post a Comment